Willkommen auf den Seiten des Auswärtigen Amts

Xaashida xaqiiqda ee isu keenida qoysaska ee qaxootiga Soomaalida / Eritariyaanka

08.12.2022 - Artikel

Si aad u dalbato fiisaha isu keenida qoyska dukumiintiyada soo socda waa in codsaduhu bixiyaa. Dukumiintiyada aan lagu soo bandhigin Jarmal, Ingiris ama Faransis waa in turjumaan ka tirsan Midowga Yurub ku turjumaa Jarmal ama Ingiriis iyo hal koobi oo turjumid ah.

Fadlan ogow: Waa in aad hore u sii diyaarisaa waraaqaha codsigaga. Tusaale ahaan, helidda dukumentiyada la xaqiijiyay waxay qaadan kartaa dhowr bilood. Soo gudbinta dukumiinti dhammaystiran ayaa si weyn u dadajin doonta nidaamka codsiga.

Dukumiintiyada Guud:

  1. Laba foom oo codsi la buuxiyey oo dhameystiran oo saxeexan (qaybta D) qof kasta oo codsade ah > VIDEX long-term stay;
  2. Laba sawirro kur oo casri ah oo gadaashooda cadaan ah cabirkoodu yahay (35mm x 45mm) > sample chart for passport photos
  3. Baasaboor ansax san iyo laba koobi oo boggaga aqoonsiga
    > Ogeysiis: soo gudbinta baasaboor qaran waxay kuu gabinaysa wakhtiga waxqabadka dhowr toddobaad / bilood)
  4. Keliya ERI: Kaarka aqoonsiga Eritrea iyo laba koobi oo hore iyo gadaalba ah, caddaynta ERI ee joogitaanka (ma beddelayso dukumiinti aqoonsi)
  5. Caddeynta deganaanshaha caadiga ah ee Itoobiya (Cadaynta Diiwaan-gelinta (PoR) ee ka socota UNHCR ama ogolaanshaha deganaanshaha Itoobiya ee la ansixiyey lix bilood) asalka iyo laba koobi
    > FADLAN OGOW: Si loo hubiyo in codsadayaashu ay ka baxayaan Itoobiya ka dib markay helaan fiisaha, deganaanshahooda Itoobiya waa inuu ahaado mid sharci ah. Sidaa daraadeed waxaa si adag loogu la talinayaa in codsaduhu uu hubiyo in deganaanshaha uu mid sharci yahay inta aan la dalban fiisaha ka hor, adoo codsanaya ogolaanshaha deganaanshaha ama isdiiwaangelinta qaxootinimada. Tani waa sida kaliya ee loo hubin karayo in dhoofitaanka uu san dib dhicin marka la helo fiisaha ka dib.
  6. Waraaq dhalashada; asalka iyo laba koobi, oo la xaqiijiyay*
  7. Caddaynta in habka codsiga la bilaabay ka hor wakhtiga kama dambaysta ah - laba nuqul (haddii codsi hore la sameeyay si loo buuxiyo wakhtiga kama dambaysta ah)
  8. Laba koobi: basaboorka qofka Jarmalka jooga
  9. Laba koobi: ogalaanshaha deganaanshaha xubinta qoyska ee Jarmalka jooga
  10. Laba koobi:shahaadada diiwangelinta deganaanshaha ee hadda
  11. Laba koobi: ogeysiinta aqoonsiga Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Qaxootiga (BAMF) ee xubinta qoyska Jarmalka jooga oo ay ku jirto ogeysiis la'aanta
  12. Haddii uu qof kale matalayo, tusaale ahaan qareen ama daryeele: awoodda qareenka ee asalka ah 
  13. EUR 75 (EUR 37,50 caruurta) (lacagta lagu bixiyo ETB; loo beddalay heerka sarrifka hadda uu isticmaalo xafiiska lacagta ee Safaaradda)

*ERI Keliya: Waxaa xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Eritariya

Socdaalka xiga ee lamaanaha

  1. Haddii aad isku guursateen xafiiska diiwaangelinta: shahaadada guurka ee asalka oo la xaqiijiyay* iyo laba koobi
  2. Haddii aad isku guursateen munaasabad diineed ama xeer dhaqameed: caddaynta guurka diiniga/ guurka xeer dhaqameedka ah; asalka iyo laba koobi IYO shahaadada nikaaxa madaniga ah oo asalka oo la xaqiijiyay* (Bixinta shahaadada nikaaxa madaniga waxay dhacdaa ka dib diiwaangelinta guurka diinta ama ka dib marka la diiwaan geliyo guurka sida waafaqsan xeer dhaqameed)xeer dhaqameed: iyo laba koobi
  3. Hadduu guurku dhacay ka dib imaanshaha kafaala-qaadka ee Jarmalka: Caddeynta xirfada luqadda Jarmalka ee heerka A1
  4. Hadduu guurku ka dhacay meel ka baxsan Eritrea: Dhammaan dukumeentiyada u adeegaya sida caddaynta guurka ansax ah sida uu qabo sharciga deegaanka ee lagu dabaqi karo
  5. Haddii la heli karo: (ma beddelayo keenista shahaadooyinka madaniga ah ee qasabka ah)
    Sawirrada xafladda guurka
    Shahaadooyinka / shahaadada jaamacada/ qandaraaska shaqada / tixraaca shaqada
    Cadeynta taageerada dhaqaale ee ka heshid qofka Jarmalka jooga sida rasiidka xawaaladaha ama bangiyada
    Wada hadalka/ E- maylka inta lagu jiray mudada kala maqnaanshaha
    Cadeyn faahfaahsan oo ah wicitaannada taleefanka
    Cadeyn booqasho ee qofka ku nool Jarmalka

    Ogow:
  • Shahaadooyinka guurka diinta ama heshiisyada hoos yimaada sharciga dhaqanka ma bedeli karaan shahaadooyinka madaniga ah (shahaada guurka madaniga ah).
  • Dhamaan dukumiintiyada / qoraalada waa in turjumaan Midowga Yurub ka tirsan Ku turjumaa luuqada Jarmalka ama Ingiriiska 

*ERI kaliya: waxaa leh WIsaaradda Arrimaha Dibadda ee Eritrea

Socdaalka xiga ee carruurta

  1. Haddii waalidiinta ay isku guursadeen xafiiska diiwaangelinta: shahaadada guurka ee asalka oo la xaqiijiyay* iyo laba koobi
  2. Haddii waalidiinta isku guursadeen munaasabad diineed ama xeer dhaqameed: caddaynta guurka diiniga/ guurka xeer dhaqameedka ah; asalka iyo laba koobi IYO shahaadada nikaaxa madaniga ah oo asalka oo la xaqiijiyay* (Bixinta shahaadada nikaaxa madaniga waxay dhacdaa ka dib diiwaangelinta guurka diinta ama ka dib marka la diiwaan geliyo guurka sida waafaqsan xeer dhaqameed)xeer dhaqameed: iyo laba koobi
  3. Kiisaska ay waalidiinta is-qabin ama mid ka mid ah waalidiinta uusan u safri doonin Jarmalka ama uu dhintay: Caddeynta haynta sharciga ah ee ilmaha (tusaale sida amar maxkamadeed oo la xaqiijiyay) asalka iyo laba (2) koobi: Haddii ay khuseyso, ogolaanshaha waalidka aan u dhoofaynin Jarmalka in ilmuhu si joogto ah u joogo Jarmalka / shahaadada dhimashada ee la xaqiijiyay, xaalad kasta oo asalka ah iyo laba (2) koobi
  4. Shahaadooyinka Iskoolka
  5. Kaarka talaalka

Dhamaan dukumiintiyada / qoraalada waa in turjumaan Midowga Yurub ka tirsan Ku turjumaa luuqada Jarmalka ama Ingiriiska

*ERI kaliya: waxaa leh WIsaaradda Arrimaha Dibadda ee Eritrea

Socdaalka xiga ee ku biiritaanka qaxooti yar oo la aqoonsan yahay

  1. Haddii waalidiinta ay isku guursadeen xafiiska diiwaangelinta: shahaadada guurka ee asalka oo la xaqiijiyay* iyo laba koobi
  2. Haddii waalidiinta ay isku guursadeen munaasabad diimeed ama xeer dhaqameed: caddaynta guurka diiniga/ guurka xeer dhaqameedka ah; asalka iyo laba koobi IYO shahaadada nikaaxa madaniga ah oo asalka oo la xaqiijiyay* (Bixinta shahaadada nikaaxa madaniga waxay dhacdaa ka dib diiwaangelinta guurka diinta ama ka dib marka la diiwaan geliyo guurka sida waafaqsan xeer dhaqameed)xeer dhaqameed: iyo laba koobi
  3. Kiisaska ay waalidiinta is-qabin ama mid ka mid ah waalidiinta uusan u safri doonin Jarmalka ama uu dhintay: Caddeynta haynta sharciga ah ee ilmaha (tusaale sida amar maxkamadeed oo la xaqiijiyay) asalka iyo laba (2) koobi: Haddii ay khuseyso, ogolaanshaha waalidka aan u dhoofaynin Jarmalka in ilmuhu si joogto ah u joogo Jarmalka / shahaadada dhimashada ee la xaqiijiyay, xaalad kasta oo asalka ah iyo laba (2) koobi
  4. Haddii la heli karo:
    Sawirrada xafladda guurka ee walidiinta
    Shahaadooyinka / shahaadada jaamacada/ qandaraaska shaqada / tixraaca shaqada
    Wada hadalka/ Imaylka inta lagu jiray mudada kala maqnaanshaha

Dhamaan dukumiintiyada / qoraalada waa in turjumaan ka tirsan Midowga Yurub Ku turjumaa luuqada Jarmalka ama Ingiriiska

*ERI kaliya: waxaa leh WIsaaradda Arrimaha Dibadda ee Eritrea

nach oben